Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Astamaha, Calaamadaha iyo daryeelka

Waxa ay tahay in isha lagu hayo

Haddii aad dhibaati ku qabto inaad la qabsato, kaligaa matihid

Dhib malahan waxyaabaha aad jaheyso sida —istarees, walaac, welwel, daroogo ama isticmaalida aalkohool ama saameynta COVID-19—ma ahan inaad kaligaa wa jahdo. Waxaa jira qaabab kaa caawinaaya inaad la qabsato.

Astaamaha la iska fiiriyo
Caqabadaha caafimaadka dhimirka waxay dadka oga muuqdaan qaabab kaladuwan. Kuwaan ayaa ah astaamaha ugu badan ee la micno ahaan kara inaad u baahan tahay caawimaad:

Adiga ama qaraabadaada . . .

  • Ma dareentaan daal waqti kasta?
  • Ma dareentaan walaac ama kacsanaan?
  • Ma dareentaan madax wareer, dhidid ama qaboow?
  • Cunto badan ma cuntaan mise idinku yartahay wax cunidu?
  • Ma dareentaan lalabo, calool xanuun ama shuban?
  • Ma isticmaashaan aalkohool ama daroogi si aad ula qabsataan?
  • Maka dhiiraataan saaxiibada ama qoyska?

Adiga ama qaraabadaada miyay idinku adag tahay . . .

  • Inaad diirada saartaan, wax soo xasuusataan, ama aad gaartaan go’aano?
  • Inaad sariirta kasoo kacdaan?
  • Inaad waxyaabaha u sameysaan sidaan u sameyn jirteen, sida wax nadiifinta ama qabashada shaqada guriga?
  • Inaad dadka kale la joogtaan?

Adiga ama qaraabadaada ma dareemeyseen . . .

  • Walaac ama walwal?
  • Dembi, dawakhsanaan ama cidlo?
  • Sida inaad sameyso waxyaabihii aad horey ugu raaxeysan jirtay inaad sameyso?
  • Xanaaq ama caro?
  • Aad ma oga walwashaa COVID-19?

Waxaa jira caawimaad adiga iyo qaraabadaada ay heli karaan. La xariir si aad maanta u hesho caawimaad.

Laynka Gurmadka ee Badbaado + Adkaysi ayaad heli kartaa 24/7: 800-923-4357

Qaababka loo daryeelo

Qaababka wanaagsan ee lagu maareeyo walaaca

Kuwa badan oo naga mid ah waxay dhibaato ku qabaan caafimaadka dhimirka inta lagu jiro COVID-19. Arrin kasta oo ku haysata, ma ahan inaad kaligaa dareento. Waxaa jira qaabab la isku caawiyo laguna caawiyo—xiriirka awood ayuu kusiinayaa.

Samee qorsho isdaryeel
Qorshaha isdaryeelida waxa uu kaa caawinayaa inaad waqtiyada adag qorshe mustaqbal sameysato. Waxaad ka fakari kartaa cida lala xariiri haddii dhibaato ku haysato. Sidoo kale waxaad ku dari kartaa macluumaadka dhaqtarkaaga iyo lataliyahaaga waxaana dadka waawayn ku waafaqi kartaa wax ay tahay in la sameeyo haddii aad u baahan tahay caawimaad.

Marka aad sameyneyso qorshaha isdaryeelida, iswaydii su’aalahaan:

  • Sidee iskudaryeelaa?
    Tusaalayaasha qaar waa inaad hesho jimicsi iyo hurdo kugu filan, inaad qabti la qaadato dadka aad jeceshahay aadna qaadato neef hoose.

  • Yaan wici karaa waqti kasta?
    Hel dad aad ku kalsoon tahay oo aad kala hadasho waxyaabaha xun iyo kuwa wanaagsan ee dhacay.

  • Yaan wici karaa haddii aan u baahanahay caawimaad dheeraad ah?
    Go’aanso cida aad wici karto haddii aad dareemeyso walaac, welwel ama dawakhsanaan. Kuni waxa uu noqon karaa qaraabadaada, tababare, macalin ama lataliye.

Booqo MentalHealthFirstAid.org si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

Hel caawimaada aad u baahan tahay
Ma u baahan tahay caawimaad degdeg ah? Haddii aad khatar ku jirto ama ka fakarayso inaad naftaada ama qof kale dhib u gaysato wac Laynka Gurmadka ee Badbaado + Adkaysi, oo ah Laynka Caawimaada marka Aafo jirto ama 911 isla hadda.

Xataa haddii aysan ahayn xaalad degdeg ah, waxaa kugu adkaan kara inaad la qabsato. Tani waxay adkeyneysaa inaad ka gudubto nolal maalmeedka. Waxay noqon kartaa mid kuu gaar ah, ku saabsan qoyskaaga, shaqadaada, COVID-19 ama xaaladaha kale ee adag.

Haddii arrintaan jirto, waxaad heli kartaa caawimaad.

Hel daboolka caymiska caafimaadka
Adiga ama qaraabadaada ma u baahan tihiin caymiska caafimaadka? Qorshaha Caafimaadka Oregon (OHP) waxa uu dadka u qalma siiyaa caymis caafimaad oo bilaash ah. Tani waxay la micno tahay waxaad caawimaada caafimaadka dhimirka ka heli kartaa xirfadlayaal. Waxaad heli kartaa OHP xataa haddii horey laguugu diiday. Maanta ka codso ONE.Oregon.gov ama wac 800-699-9075.

OHP waxa ay ku siinayaan caafimaad maskax gunnooyinka isticmaalida muqaadaraadka oo qiimo yar ama bilaash ah. Qorshaha caafimaadka deegaanka ee OHP waxaa loo yaqaan ururka iskuxirka daryeelka ama CCOs. Ka hel deegaanka mid.

Fahmida caymiskaaga
Inta badan caymisyadu waxay daboolaan adeegyada caafimaadka dhimirka. Haddii adiga ama qaraabadaadu haystaan caymis ama Medicare, waxaad heli kartaa caawimaad. Qorshooyin badan waxay daboolaan latalinta, latalinta qoyska, daaweynta isticmaalida muqaadaraadka iyo waxyaabo badan. Wac qorshaha caymiskaaga si aad u oggaato waxa ay bixiyaan.

Haddii aad haysato caymis aad ku heshay shaqadaada, waxaad heli kartaa Barnaamijka Caawimaada shaqaalaha (EAP). Kani waa barnaamij bixiya latalin bilaash ah iyo daaweynta kale ee caafimaadka dhimirka iyo muqaadaraadka. Waydii shirkadaada waxyaabaha la xariira EAP si aad u oggaato waxa ay caawimaad ahaan u bixiyaan.

La xariir dhaqtarkaaga
Dhaqtarkaagu waxa uu kaa caawin karaa inaad hesho caawimaad kugu habboon kuna habboon qaraabadaada. Inta lagu jiro COVID-19, waxaad heli kartaa caawimaad adoo adeegsanaaya caafimaadka taleefoonka (telehealth). Tani waa meesha aad kula hadli karto dhaqtarkaaga ama lataliyahaaga adoo adeegsanaaya wicitaan taleefoon ama muuqaal.

La hadal dadka ku siiya daryeelka
Wuxuu kaa caawin karaa inaad la xariirto dadka aadka kuu yaqaan. Haddii aad ay caadi tahay inaad la hadasho saaxiib ama xubin kamid ah qoyska, u sheeg sida ay kuu caawin karaan.

Waxay kaa caawin kartaa inaad la hadasho qof ay haysato xaalada adiga ku haysata ama qof aad isku caqabado dareemeysaan. Bulshadaada ayaa sidoo kale kuu noqon karta meel aad ka hesho caawimaad iyo deganaan. Adiga ama qaraabadaada waxaad la xariiri kartaan talo bixiye wanaagsan oo jawaab celin ku siinaya oo aad ka helayso bulshadaada ama kooxaha isku dhafka ee caawimaada oo fahmaaya xaalada aad kujirto.

Bulshadaada ka dhex hel daryeel
Hel taageero kuu dhaw

Sida loo caawiyo dadka aad jeceshahay
Waxaa laga yabaa inaadan aqoon sida loo caawiyo dadka aad jeceshahay, laakiin waxaad sameyn kartaa isbadel wayn haddii aad tusto daryeel. Inaad su’aalo waydiiso aadna dhageysato waxay kaa caawineysaa inaad fahanto xaalada ay kujiraan. Sidoo kale waxaad ka caawin kartaa inay sameystaan qorshe.

Arrimahaan niyada ku haay marka aad dadka kale daryeeleyso:

  • Caawimaadu micnaheedu ma ahan xakameyn
    Marka aad siiso caawimaad iyo dookhyo aadna xushmeysid go’aanadooda, waxaad abuureysaa daryeel dabiici ah.

  • Qaado waqti aad ku dhageysato
    Mid kamid ah qaababka ugu wanaagsan ee lagu tuso taageero waa inaad dhageysato. Xubnaha qoyskaaga ama qaraabadaada waxaa laga yabaa inaysan rabin inay hadlaan waxayna dhihi karaan waxyaabo neceyb ah. Way adkaan kartaa inaadan si shaqsi ahaan ah u qaadan. Waydiinta sida ay jeclaan lahaayeen in loo taageero waxay ku baraysaa sida gacan loo siiyo.

  • Baro inta ugu badan oo aad awoodi xaalada ay kujiraan
    Marka aad barato xaalada ay kujiraan dadka aad jeceshahay, si wanaagsan ayaad u fahmi kartaa. Waxaad heli kartaa daaweynta, daryeelka ama daawooyinka waxaadna kala hadli kartaa dookhyadooda.

Haddii aad tahay daryeel bixiye, raadso daryeel
Inaad isdaryeesho waa wax muhiim ah inta aad dadka kale caawineyso. Waxay kaa caawin kartaa inaad la hadasho fahmaaya. Waxaa jira kooxo taageerooyin bixiya oo aad ku xariirin karto dadka kujira isla xaalada ay kujiraan saaxiibadood iyo qoyskooda. Waa muhiim inaad sida kale u fiiriso oo aad hesho taageero aad isku daryeeleyso.