Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Siyaasadda Adeegyada Helidda Luqadda

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ogaado isla markaano isticmaalo barnaamijyada iyo adeegyada Maamulka Caafimaadka Oregon (OHA). OHA waxay bixisaa caawimaad lacag la’aan ah.

Tusaalooyinka qaarkood ee caawimaada lacag la’aanta ah ee ay OHA bixin karto waa:

  • Luqadda calaamadaha iyo turjumaadaha luqadaha lagu hadlo;
  • Waxyaalo luqaddo kale ku qoran;
  • Farta dadka indhaha aan qabin wax ku akhriyaan ee braille;
  • Far waaweyn;
  • Cajalada la duubo iyo noocyada kale.

Haddii aad caawimaad doonayso, fadlan mid ka mid ah siyaabahani ula xiriir isuduwaha barnaamijka Adeegyada Helidda Luqadda:

421 SW Oak St., Suite 750, Portland, OR 97204