Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Xeerka Asturnaanta Xogta Webseetka

Markii ugu danbeysay ee wax laga badelay: 2021-03-22

Shuruudaha iyo Qaanuunka

Waad ku mahadsan tahay soo booqashadaada webseetka Safe + Strong (”Webseetka”), ay kuu keentay Laanta Caafimaadka Oregon ee Gobalka Erogon ( “OHA”). OHA waxay tixgelinaysaa asturnaantaadawaxaana ka go’an inay ilaaliso ayadoo u hogaansamaysa xeerkaan.

Fadlan si taxadar leh u akhri xeeerkaan si aad u fahanto xeerarkeena iyo dhaqamada ku aadan macluumaadkaaga iyo sida aan u maareynayno. Haddii aadan waafaqin xeerarkeena iyo dhaqamadeena, waxaad xaq u leedahay inaadan isticmaalin webseetkeena. Marka aad gasho webseetka, waxaad aqabalaysaa shuruudahaan iyo shardiyadaan aan xadidneyn.

Xeerkaan waxa uu quseeyaa macluumaadka aanaruurino:

  • Webseetkaan.
  • Iimeelka, fariinta qoraalka, fariimaha kale ee elektarooniga ah ee dhexmara adiga iyo webseetkan.

Ma quseyso macluumaadka aan ku aruurino:

  • Oflaynka ama qaab kasta oo kale, oo ay ku jiraan webseet kasta oo kale oo ay ka hawlgalaan OHA ama qolyo saddexaad oo kale; Ama
  • Qeyb saddexaad oo kale, oo ay ku jiraan codsi kasta ama mawduuc kasta oo ku xiran ama laga heli karo webseetka.

Ayadoon aan la xadideyn wax kamid ah waxyaabaha kor ku xusan, webseetkaan waxaa loogu talagalay dadka degan Oregon mawduucyada webseeedkana waxaa lagu bixiyaa “sida ay yihiin” ayadoon la isku xireyn damaanad nooc kasta hanoqotee, damaanad afka ah ama mid aan ahaynba oo ay ku jiraan damaanada afka aan ahayn ee ku saabsan ganacsiga, jir dhiska ujeedo gaar ah, ama xadgudub la'aan.. Haddii aad ku qanacsan inaadan wax xadgudub ah sameyneyn aadna gobalka Oregon iyo wakaaladiisa, shaqaalaha aad magdhow kasiineyso waxyeelo kasta oo aad geysato ayadoo lagu saleynaayo qaabka aad u adeegsato Webseedkaan.

Carruurta da’doodu ka yar tahay 13 sano

Webseedka looguma talagalin carruurta da’doodu ka yar tahay 13 sano. Lama oggola in qof kayar 13 sano in uu wax macluumaad ah siiyo webseetka. Si kas ah uma aruurino macluumaadka shaqsiyadeed ee carruurta da’doodu ka yartahay 13 sano. Haddii aad ka yar tahay 13 sano, ha adeegsan hana siin wax macluumaad ah webseetkaan. Haddii aan oggaano inaan aruurinay ama aan helnay macluumaad shaqsi oo ah macluumaadka ilmo ka yar 13 sano anagoon haysan caddeynta oggolaanshaha waalidka, waan tirtiri doonaa macluumaadkaas. Haddii aad aaminsan tahay inaan hayno wax macluumaad ah oo uu leeyahay ama ku saabsan ilmao ka yar 13 sano, fadlan nagala soo xariir info@safestrongoregon.org.

Lifaaqyada goobaha kale - Digniin

Webseedkaan waxa uu bixiyaa lifaaqyada webseetyo kale ayadoo loo maraayo qaab ku habboon bulshadeena. Kuwaas waxaa kujira lifaaqyada webseetyada ay ku shaqeeyaan wakaaladaha dawlada, ururada aan khayriga ahayn, ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Marka aad isticmaasho mid kamid ah lifaaqyadan, waxaad ka baxaysaa webseetkan kana ku quseen doonto Ogeysiiskaan Asturnaanta Xogta. Marka aad u gudubto webseed kale, waxaa ku qabanaaya xeerka asturnaanta bartaas.

Marka aad ku dhufuto lifaaqa mid kamid webseetyada Gobalka Oregon, ama mid hay’ad, xaafiis, ama mid uu leeyahay shaqaale ka tirsan gobalka Oregon waxay damaanad qaadayaan saxnaanta, isku haleynta, ama muddada xogta kusii jirayso baraha kale, ama waxay taageerayaan u adeegsashada arrimo kale, sida alaabaha, adeegyada la xariirka la leh nidaamyadaas, dhinacyadaas midkoodna looma saari karo masuuliyada wixii khasaaro ah oo ka dhasha ku tiirsanaanta saxnaanta, isku haleynta, mudda xobta ay kusii jirayso goobahaas. Qaybo kamid ah macluumaad ayaa qaldanaan kara ama ahaan kara kuwa hore. Qof kasta ama hay’ad kasta oo ku tiirsanaata macluumaadaas kasta oo nidaam banaanka ah ama webseet laga keeno ayaga ayaa qaadaaya masuuliyada halista ka dhalata.

Macluumaadka sida Ootamaatiga ah loo Aruuriyo marka aad Booqato Webseetkan

Haddii aad baarto ama aad soo degsato macluumaadka marka aad booqato webseedkaan, waxaan aruurinaa oo aan kaydinaa kaliya xogta caadiga ah ee ay aruuriyaan inta badan webabka casriga ah. Macluumaadkaas waa:

  1. Ciwaanka baratokoolka Interneetka (IP) ee loo adeegsado inaad khadka isticmaasho (laakiin ma aha ciwaankaaga iimeelka). Ciwaanka IP da waa lambar lagu aqoonsado adeeg bixiyaha interneetka ku siiya ama kumbuyuutarkaaga gaarka ah. Waxaan adeegsanaa ciwaanka IP da si aan oga jawaabno codsiga barawsarkaaga. Tusaale: 122.125.36.42
  2. Magaca guud ee gaarka ah u ah ciwaankaaga IP da (haddii uu jiro). Tusaale: somename.com
  3. Nooca boroowsarka iyo nidaamka kumbuyuutarka ee la isticmaalaayo. Tusaale: Mozilla/4.0 (compatible; MSIE 4.01; Windows NT; IE4WDUS-1998101501)
  4. Taariikhda iyo waqtiga aad booqatay Webseetkan.
  5. Boggaga webka iyo adeegyada aad ku isticmaashay Webseedkaan
  6. Goobta aad booqatay kahor inta aadan imaan Webseetkan. (Fiiri gaar ah: tan ayaa lagu soo daray si loo sameeyo falanqeyn kooban oo ku saabsan sida booqdayaasheena ku heleen Webseedka, tusaale, baaritaanka interneetka, lifaaq ay kasoo raaceen goob kale, iwm)

Ma raadraacno xulashooyinka isticmaalayaasha. Hase yeesheem waxaan adeegsanaa, xog aruurinta koobaan ee macluumaadka ku qoran kor ee aan sida ootamaatiga ah u aruurini si aan u oggoaamino:

  • Ururadee ayaa ah kuwa ugu badan ee ah isticmaalayaasheena (shayga 2-aad ee ku xusan) si aan sida ugu habboon yoolka ugu saarto mawduucyada aan ugu talagalay bulshadeena.
  • Waa maxay borawsaryaasha loo adeegsado Webseedkeena si aan u oggaano farsamooyinka ay tahay inaan sameyno si aan u hormarino bogg ku habboonaan doonaa noocyo kaladuwan oo boroowsaryaal ah (shayga 3 aad ee kore)
  • Imisa jeer ayaa lasoo booqdaa boggageena (shayga 5 aad ee kore)
  • Raadraaca ayadoo la adeegsanaayo magaca ururada sida baaritaanada interneetka ee dadka keena Webseetka (shayga 6 aad ee kore)

Teknoolajiyada aan u isticmaalno xog aruurintaan ootamaatiga ah waxaa kujiri kara:

  • nidaamka Xog keydiyaasha (ama xog keydiyaasha boroowsarka). Xog keydiyaha waa fayl yar oo la dhexgeliyo qaybta maskaxda ee kumbuyuutarkaaga. Waad diidi kartaa inaad aqbasho xog keydiyaasha boroowsarka adoo ka oggolaanaya sitinka boroowsarka ee quseeya. Hase yeeshee, haddii aad doorato sitinkaan waxaa laga yaabaa inaad adeegsan wayso qaybo kamid ah webseedkeena. Illaa inaad wax ka badesho sitinka boroowsarkaaha mahee si uu u diido xog keydinta, nidaamkeena waxa uu adeegsan doonaa xog keydiyaal marka aad boroowsarkaaga aad ka gasho webseedkeena.
  • Nidaamka La socoshada Webka. Boggaga Webseetkeena waxa ay ka koobnaan karaan faylal yaryar oo elektaroonig ah oo loo yaqaan nidaamka la socoshada webka (oo sidoo kale loo yaqaan clear gifs, pixel tags, iyo single-pixel gifs) oo oggolaanaya OHA, tusaale, si ay ula socdaan isticmaalayaasha booqda boggagaas ama macluumaadka kale ee la xariira webseedka (tusaale, diiwaangelinta qaar kamid ah mawduucyada loogu isticmaalka badan yahay iyo xaqiijinta nidaamka iyo asturnaanta saafarka).
  • Falanqeynta Google . Waxaan isticmaalnaa qalab loo yaqaan “ Falanqeynta Google” si aan u aruurino macluumaadka la xariira adeegsiga Webseedkaan. Falanqeynta Google waxa uu aruuriyaa macluumaadka sida inta jeer ee isticmaalayaashu soo galeen Webseedkaan, boggaga ay booqdeen markay soo galeen, webseedyada kale ee ay soo isticmaaleen ka hor inta aysan soogelin Webseedkaan. Macluumaadka aan kuhelno Google Analytics waxaan u isticmaalaa inaan ku hormarino Webseedkaan oo kaliya. Falanqeynta Google waxa uu aruuriyaa oo kaliya ciwaanka IP lagu siiyay taariikhda aad soo booqatay Webseedkaan, halkii uu ka aruurin lahaa magacaaga ama macluumaad kale oo lagugu aqoonsan karo. Iskuma darno macluumaadka aan ku aruurino Falanqeynta Google iyo macluumaadka qofka lagu aqoonsan karo. Inkastoo Falanqeynta Google ay xog keydiyo joogto ah ku dhejiso boroowsarkaaga si laguugu aqoonsado inaad tahay isticmaale gaar ah marka xigta ee aad soo booqato Webseetkaan, hadana xog keydiyaashaas cidna ma isticmaali karto aan ka ahayn Google. Awooda uu Google u leeyahay inuu adeegsado uuna cid kale la wadaago macluumaadka lagu aruuriyo Falanqeynta Google ee ku saabsan booqashadaada Webseedkaan waxaa lagu xadiday shuruudaha adeegsiga Google iyo Xeerka Asturnaanta Xogta ee Google. Waxaad ka hortagi kartaa in Falanqeynta Google uu ku aqoonsado marka xigta ee aad kusoo laabato Webseedkaan haddii aad iska xirto qaybta xog keydiyaasha boroowsarkaaga.
  • Xayeysiinta Dib u bartilmaamsiga ah Waxaan isticmaalaa adeegyo si aan guug ahaan interneetka ugu xayeysiino Webseedkeedka Safe + Strong, oo ay kujiraan laakiin aan ku koobneyn Aalada Suuqgeynta Google iyo Facebook Pixel. Adeegyadaas waxay xayeysiisyo habboon kusoo muujin doonaan adeegyadooda adiga ay kuugu talagalaan ayadoo ay ku xiran tahay qaybta Webseedka Safe + Strong ee aad booqatay oo xog keydiyaal ku shubaaya kumbuyuutarkaaga ama aaladaada ama ayadoo la adeegsanaayo web pixel. ADEEGYDAAN QAAB KASTA HANOQOTEE MARNA KUMA AQOONSAN KARAAN MANA ADEEGSAN KARAAB AMA MA ISTICMAALI KARAAN AALADAADA. Xog keydiyaasha iyo xog aruunrinta soo booqdayaasha websaytka la adeegsado ayaa loo isticmaalaa in “Marka qof soo booqdo bogga, la tuso xayaysiino adeegyada boggaas xariir la leh.” Adeegyadaan waxay noo oggolaanayaan inaan suuqgeynteena u qaabeeno qaab ku habboon baahiyahaaga aana abuurno kaliya xayeysiino adiga kugu habboon.

Wax badan ka baro siida uu u shaqeeyo og arurinta Facebook iyo xakamee sida macluumaadka adiga kugu saabsan loo isticmaali si aad wax oga badesho xayeysiisyada ay ku tusaaan.

U shaacinta Dadwaynaha

Dhammaan macluumaadka kujira Webseedkaan waxaa adeeegsan kara dadwaynaha illaa in sharci ahaan looga joojiyo mahee. Farqada 192 ORS waxay ka kooban tahay Sharciga Diiwaanada Dadwaynaha ee Oregon.

Gobalka Oregon, waxaa la adeegsadaa sharci si loo xaqiijiyoin dawlada ay furfurantahay iyo in dadwaynaha helaan xaquuqda ay u leeyihiin helida macluumaadka dadwaynaha ee ku habboon iyo macluumaadka ay aruuriso dawlada Gobalka. Dhanka kale, waxaa jira waxyaabo ka reeban xaquuqda dadwaynaha ee helitaanka macluumaadka dadwaynaha ayadoo lagu saleynaayo asturnaanta xogta shaqsiga. Labadaba sharciyada gobalka iyo kan federaalka waxay bixiyaan waxyaabo ka reeban xaquuqda. Waxaan kaa codsan karnaa macluumaadkaaga sida gaar ah laguugu aqoonsan karo si aan kuu siino adeegyada aad codsatay, laakiin macluumaadkaas noocaas ah waxaa loo arkaa sidii in qofku booqasho shaqsi ah ku yimaaday xaafiiska dawlada.

Ujeedooyin amni iyo in la hubiyo in Webseetkan uu wali heli karaandhammaan isticmaalayaasha, Webseetkan waxaa laga yabaa inuu la socdo taraafikada netwaaga si loo ogaado iskudayada aan la oggolayn ee wax lagu soo gelinaayo webseedka ama lagu badelaayo macluumaad ama sidoo kale waxyeelo loogu geysanaayo. Haddii qaybta maamulka amniga webseetka lagu oggado caddeymo muujinaaya inay jiraan xadgudub ama hawl fal dembiyeedka oo suurtagal ah, shaqaalaha Webseedka waxay natiijada macluumaadkaas u gudbin karaan laamaha amaanka ee ku habboon. Marka laga reebo baaritaanada sharci fulinta ee la oggol yahay, majiraayo iskudayo la doonaayo in lagu oggaado shaqsiyaadka isticmaala ama habka ay u isticmaalaan. Iskudayada aan la oggolayn ee lagu doonaayo in wax lagu soo geliyo ama wax looga badelo adeegaan waa mamnuuc waxaana laga yabaa inay ka dhalato ciqaab ayadoo la raacaayo sharciga gobalka iyo kan federaal, oo ay kujiraan Xeerka Xadgudubka iyo Xatooyada Kumbuyuutarka ee 196 iyo Xeerka Ilaalinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Qaranka 1996.

Macluumaadka shaqsiyadeed iyo Baahin la’aanta

“Macluumaadka shaqsiyadeed” waa macluumaad shaqsi oo si gaar ah shaqsiga loogu aqoonsan karo, sida magaca shaqsiga, ciwaanka iyo taleefoon lambarka. Noocyada macluumaadkaas shaqsiga lama oggola in lasoo bandhigo haddii shaacintu aan loo adeegsaneyn arrin macquul ah si looga hortago soo bandhigida xogta haddii aysan jirin xaalad adag. Magaca webseedka ama Ciwaanka Baratakoolka Interneetka (IP) looma arki inay kamid yihiin macluumaadka shaqsiga sida ku qoran sharciga Oregon. Inta badan xogta ay aruuriso dawlada gobalka waxaa loo arkaa inay yihiin xog dadwaynaha illaa in si gaar ah loo xadido mahee. Farqada 192 ORS waxay ka kooban tahay Sharciga Diiwaanada Dadwaynaha ee Oregon. Sida ku xusan sharcigaan, shaqsiyaadka waxaa loo oggol yahay inay codsadaan in laamaha dawlada aysan shaacin xogta dadwaynaha ee ka kooban ciwaanka guriga iyo taleefoon lambarka xaalada qaarkood. ORS 192.445 waxa uu sharaxayaa sida loo codsado inaan la shaacin xogta.

Iimeel

Dhammaan macluumaadka lagu aruuriyo Webseedkaan waxay noqonayaan xog dadwayne illaa in la xadido mahee ayadoo la adeegsanaayo sharciga. Farqada 192 ORS waxay ka kooban tahay Sharciga Diiwaanada Dadwaynaha ee Oregon.

Fiiri qaybta shaacinta xogta dadwaynaha ee kore si aad macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan asturnaanta xogta iimeelka.

Shaacin dheeraad ah oo ku saabsan Macluumaadkaaga

Marka laga imaado shuruudaha shaacinta xogta ee kuyaala qaybta kore, waxaan shaacin karnaa macluumaadyada isku dhafka ah ee ku saabsan booqdayaasheena, iyo macluumaadka aan lagu aqoonsan karin shaqsiyaadka, adoon xadid lahayn.

Waxaan shaacin karnaa macluumaadka shaqsiga ee aan aruurino ama kuwa aad nasiiso sida ku xusan xeerka asturnaanta:

  • Qandaraaslayaasha, adeeg bixiyaasha, qolyo saddexaad ee kale oo aan u adeegsano inay naga caawiyaan ganacsigeena waxaan kala saxiixanay heshiish waajibaad oo ay ku kaydinayaan macluumaadka ayn kaliya u isticmaalayaan ujeedada aan u siinay oo kaliya.
  • Si loo oofiyo ujeedada aad u bixisay.
  • Ujeedo kasta oo kale oo aan shaacinayo marka aad bixinayso macluumaadka.
  • Iyo kuwa aad oggolaanshaha bixiso.

Sidoo kale waxaan macluumaadkaaga shaqsi u shaacin karnaa:

  • Si aan ugu hogaansano amarka maxkamada, sharciga, ama nidamaka sharciga, oo ay kujiraan ka jawaab celinta codsi kasta oo ka yimaada dawlada ama laamaha dawlada.

Haddii aan isleenahay shaacinta ay tahay muhiim ah ama habboon si u ilaalino xaquuqada, hanti, ama badqabka OHA, isticmaalayaasheena, ama wax kale.

Xulashada ku aadan sida Aan U adeegsano Una Shaacino Macluumaadkaaga

Waxaan ku dadaalaynaa inaan ku siino xulashooyin ku aadan macluumaadkaaga gaar ah ee aad nasiisay. Waxaan abuurnay hab farsamo si aan kuu siino qaabab aad ku xakameyn karto macluumaadka aad nasiisay:

  • Raadraacida teknoolajiyada iyo Xayeysiinada. Waxaad boroowsarkaaga ku xiri kartaa inuu diido dhammaan ama qayb kamid ah xog keydiyaasha, ama si uu kuugu sheego marka xog keydiyaasha la diro. Haddii aad iska xirto ama aad diido xog keydiyaasha, fadlan ogsoonoow in qaybo kamid ah Webseedkaan uusan shaqeyn doonin.
  • Ha Raadraacin. Ha raadraacno booqdayaasha ama lama socono waxyaabaha ay webseedka ka sameynayaan marka sidaas oowgeed kama jawaabno Digniinaha Ha Raadraacin.

Codsiga Kormeerka Macluumaadka Shaqsiga

Waxaan xaq u leedahay inaad dib u eegis ku sameyso macluumaadka gaar ah ee Webseedkaan kaa aruuriyay. La xariir shirkada ku siisay macluumaadka aad codsatay.

Badqabka Gudbinta Xogta

Webseedkaan waxa uu isticmaalaa nidaam softweer oo ay isticmaalaan shirkadaha casriga ah loona yaqaan Secure Socket Layer (SSL) si qulqulka xogta u noqoto mid ammaan ah. URL-ka boroowsarkaaga waxa uu isku badelayaa “HTTPS” halkii uu ka ahaa “HTTP” marka qaybta ammaanka webseedka la aqbalo. Boroowsarkaaga waxa uu qaybta kore kasoo muujin karaa calaamad quful ama fure camal ama si uu u muujiyo in webka amaan yahay. Haddii calaamadaas aysan meesha ka muuqan, macluumaadka markaas waxaa xadi kara qolyo saddexaad. Nasiib xumo, gudbinta xogta ee interneetka ma ahan mid ammaan ah. Inkastoo aan iskudayno wax kasta oo aan awoodno si aan u ilaalino macluumaadkaaga shaqsiga, hadana ma damaanad qaadi karno ammaanka xogta aad geliso Webseetkeena. Gudbinta macluumaadka shakhsiga ah wuxuu ku jiraa qatar adiga keentay. Masuul kama nihin ficil kasta oo ka dhasha asturnaanta xogta sitinka ama tallaabooyinka amaan ee webseedkaan. Inta badan isgaarsiinta iimeelada la adeegsado looma arki inayb yihiin ammaan. Haddii aad qof la wadaageyso xog xasaasi ah, iskuday inaad ku dirto ciwaan boost ama shirkada taleefoon kala xariir.

Digniinta La xariir Xayeysiinta

Xayeysiinta hay’adaha gaarka ah loo leeyahay waa ka mamnuuc webseedkaan. Gobalka Oregon ma la shaqeeyo ama ma taageero aalabaha, adeegyada ama macluumaadka kasoo muuqda webseedyada sida gaarka ah loo leeyahay.

Wax ka badeliada Xeerka Asturnaanta

Waa xeerkeena inaan soo dhejino isbadel kasta oo aan ku sameyno xeerka boggaan. Haddii aan wax ka badelno sida aan ula dhaqano macluumaadka shaqsiyaadka, waan kula soosocod siin doonaa anagoo adeegsanayna qayba ogeysiiska ee bogga koowaad ee Webseedka. Taariikhda markii ugu dambeeysay ee xeerka asturnaanta xogta wax laga badelay waxay ku qoran tahay qaybta kore ee bogga. Waxaad masuul ka tahay inaad hubiso inaan kuu hayno ciwaano iimeel oo shaqeynaaya, iyo inaad mararka qaar booqato Webseedkeena iyo xeerkaan asturnaanta xogta si aad u fiiriso in wax isbadel ah lagu sameeyay.