Deyrta iyo xiliga qoobaha ayaa ka dhignaan kara inaad safarto aadna guryaha kula kulanto saaxiibada iyo qoyska. Tilmaamahaan ayaa naga caawinaaya ilaalinta badqabka dhexdeena si aan iskaga ilaalino COVID-19.
Kulannada badqabka leh
Ku qoran bogaan:
Tilmaamaha:
Tilmaamaha:
Qaado talaalka ama kuurada xoojinta ah. Talaalka ayaa ah difaaceena ugu fiican ee aan dadka uga ilaalin karno inay aad ugu xanuunsadaan dhammaan faracyada COVID-19.
Iskuday inaad xirato maaskaro marka aad waqti la qaadanayso dad badan ama kulanno galayso, gaar ahaana marka lagu qabanaayo gudaha xarun, haddii aad qabto xanuun uur ku jirta ah oo khatar kuu gelinaaya xanuun daran ama aad la nooshahay qof ku jira xalaadahaan midkood (ka akhri tusmada caafimaadka halkaan).
Kor u qaad hawada soo galaysa gurigaaga ama xafiiska. Fayraska sababa COVID-19 ayaa raaci kara hawada. Furista daawadaha (haddii heerkulku saamaxaayo) ayaa kor u qaadaysa hawada waxeyna yareysaa cadadka fayraska keena COVID-19 ee hawada ku jira. Waxaad sidoo kale shidan kartaa maxwaxad ama hawo sifeeye haddii aad haysato. Si aad u hesho tilmaamo dheeraad ah oo ku aadan haawinta gurigaaga ama xafiiska, booqo CDC.
Si joogto ah u farxalo, ugu yaraan 20 sikin, ama adeegso gacmo sifeeye ay ku jirto ugu yaraan 60% aalkolo ah.
Daawada jeermiska mari dusha meelaha markasta -- qataarada albaabka, albaabada gaariga, isteerinka gaariga iyo taleefannada.
Baro astaamaha COVID-19 iyo lambarka taleefanka xirfadlaha daryeelka caafimaadka ama shaqaalaha caafimaadka bulshada ee aad wici karto haddii qof jirado. Haddii aadan haysanDhakhtarka caafimaadka, wac 211.
Samayso qorshe si haddii qof uu guriga ku jirado, loo keli-yeelo qof sida ugu badan ee macquulka ah ilaa uu ka bogsoodo.
Heerarka khatarta:
Ilaa inta qof kasta laga talaalaayo, waxaa jira wali talaabooyin aan dhammaanteen qaadi karno si aan uga difaacno bulshooyinkeena inay xanuun xun ka qaadaan COVID-19. Waxyaabaha soo socda waa heerarka khatarta noocyada kaladuwan ee hawlaha si ay kaaga caawiyaan inaad badbaado.
KHATAR HOOSAYSA:
Joogista guriga
Waqti ku qaadashada banaanka keligaa
Waqti la qaadashada dadka aad la nooshahay
La joogista dadka aan kula noolayn laakiin sidoo kale la talaalay
Waqti kula qaadashada banaanka dadka kale iyo ka fogaanshaha 6 fiid dadka kale
KHATAR DHEXDHEXAAD AH
Waqti ku qaadashada gudaha xarumaha bulshada adoo talaal qaba, xiran maaskaro kana fogaanaaya dadka 6 fiid
KHATARTA BADAN
Inaadan qaadan talaalka
Waqti la qaadashada dadka badan iyo kulannada adoon xiran maaskaro
Waqti kula qaadashada gudaha ama bananaka adoo uga dhow 6 fiid dadka aan sidoo kale wali la talaalin
Maaskarooyinka iyo gafuur xirka:
Laga bilaabo Maarso 12, 2022: Maaskarooyinka, gafuur xidhada ama gaashaannada wajiga ayaan qasab ahayn inta badan goobaha ku yaala Oregon, ayna ku jiraan ganacsiyada, xarumaha diinta, dugsiyada K-12 iyo xarumaha daryeelka ilmaha.
Maaskarooyinka iyo gafuur xidhada ayaa wali qasab ka ah xarumaha daryeelka caafimaadka iyo xarumaha kale qaarkood.
Qof kasta oo jira 5 sano iyo ka wayn waa qasab inuu xidho maaskaro ama gafuur xir, halka ilmaha da'doodu u dhexayso 2 iyo 5 sano aad loogu boorinaayo inay xidhaan gafuur Xirka, markay joogaan goobaha soo socda:
Isbitaalada
Xafiisyada dhakhtarka
Daaqadaha farmashiyaha iyo aagaga sugitaanka
Xafiisyada dhakhtarka ilkaha
Xarunta Daryeelka degdega ah
Xarumaha daryeelka mudada dheer iyo xarumaha caawimaada ee la dagan yahay
Barnaamijyada caafimaadka dhimirka ee la dagan yahay
Xarumaha talo bixinta, soo kabashada iyo dhaqan celinta
Xarumaha sifaynta kalyaha
Xarumaha caafimaadka ee dugsiga ku yaala
Xafiis kasta oo daryeel caafimaad lagu baxsho
Waxaa intaas dheer, xarumaha dadka waawayn ama xarumaha nolosha madaxa banaan ayaa wali qasab ka dhigi kara maaskarada, gafuur xidhka ama gaashaanka Wajiga, iyo kala fogaanshaha dadka. Adeeg bixiyaasha daryeelka guriga lagu baxsho, adeegyada caafimaadka ee guriga lagu baxsho ama adeegyada dadka dhimanaaya ayaa qasab ah inay xidhaan gafuur Xirka ama maaskaro markay daryeelka bixinayaan.
Qaar kamid ah ganacsiyada, ururada, dugsiyada, magaalooyinka iyo degmooyinka ayaa sidoo kale sii wadi kara inay qasab ka dhigaan maaskarada. CDC waxay ku talinaysaa in dadku xidhaan maaskarada markay joogaan gudaha xarumaha gaadiidka dadwaynaha wakhti xaadirkaan.
Qofkee ayay tahay inuu sii wado xiddhashada gafuur xirka?
Inkastoo maaskarooyinka aysan hadda kadib qasab ka ahayn inta badan goobaha dadwaynaha ee Oregon oo dhan, wali waa qaab wanaagsan oo looga hortago faafida COVID-19 iyo fayrasyada kale ee neef mareenka. Dad badan oo ku dhaqan Oregon ayaa dooran doona inay sii wadaan xirashada maaskarada.
Waxaa lagu talinayaa inaad sii wado xirashada maaskarada aadna 6 fiid ka fogaato dadka kale haddii:
Aadan talaalka qaadan
Aad ka wayn tahay 65 sano
Nidaamkaaga difaaca jirku liito
Aad qabto xanuun uur ku jirta ah kaasoo khatar dheeri ah kuu gelinaaya xanuun daran oo aad ka qaado COVID-19.
Aad la nooshahay qof kamid ah dadka qaba xaaladahaas
Waxaan taageeraynaa xaqa qof kasta u leedahay inuu doorto xirashada maaskarada.
Maxaan samayn karaa haddii qof igu dhibaateeyo sii wadista xirashada maaskarada?
Dhibaataynta, eexda, adeeg ka saarida ama ficilada kale ee dhibaatada u leh dadka xiranaaya gafuur xirka, hadday qasab tahay iyo haddii kalaba, ayaa kasoo horjeedi kara sharciga Oregon.
Haddii aad aaminsan tahay inaad waajahayso nacayb ama danbi eex ah ama dhacdo sabab la xariirta inaad xiratay maaskaro, gafuur xir ama gaashaanka Wajiga, ama inaadan xiran maaskaro, gafuur xir ama gaashanaka wajiga adoo jooga goob dadwayne, waxaa jira khayraad ku caawinaaya.
Si aad u soo sheegto danbiga eexda, wac laynka xaaladaha aan degdega ahayn ee booliiska deegaankaaga.
Waxaad soo sheegi kartaa fal gardaro ah, adoo wacaaya Waaxda Cadaalada ee Oregon ood ka helayso 844-924-BIAS (2427).
Si aad u soo gudbiso cabasho la xiriirta xuquuqda madaniga ah, booqo Laanta Shaqada iyo Shaqaalaha (BOLI) ama wac 971-673-0764.
Wixii xog dheeraad ah, booqo StandAgainstHate.Oregon.gov.
Haddii aad maqalka naafo ka tahay, wac 711 si aad u hesho adeegga Oregon Relay.
La kulmida saaxiibada iyo qoyska
Kulanno badan ayaa ah waqtiga dadku isbartaan ayna dabaaldegaan. Ayadoo hadda talaalka iyo kuurooyinka xoojinta ah la heli karo, khatarta caabuqa ayaa sidii hore ka yar qof kasta. Haddii adiga iyo dadka aad kulanka iskugu timaadaan aad qabtaan talaallada iyo xoojinnada buuxa ee COVID-19, khatartaada ah inaad xanuun xun ka qaado caabuqa waa mid yar. Halkaan waxaad ka helaysaa qaar kamid ah qaababka aad ku ilaalinayso badqabkaaga inta lagu jiro kulannada dadwayne xaalad kasta oo lagu jiraba.
Qaado talaalka oo qaado kuurooyinka xoojinta ah marka aad u qalanto si aad naftaada iyo dadka kula jooga u difaacdo.
Waa caadi inaad inaad dadka kale waydiiso inay qaateen talaalka kahor intiinaan isku imaan dadka aadan la noolayn. Waxaad dooran kartaa inaad guriga joogto ama aad raadiso qaabab kale ood kula xariirto dadka haddii aad murugooto.
- Maaskarooyinku hadda qasab kama ahan inta badan goobaha dadwaynaha, laakiin wali waa qaab waxtar u leh yareynta faafida COVID-19. Waxaa lagu talinayaa inaad sii wado xirashada maaskarada marka aad dad kulmaysaan haddii aad:
Ka wayn tahay 65
Nidaamkaaga difaaca jirku liito
Aad qabto xanuun uur ku jirta ah kaasoo khatar dheeri ah kuu gelinaaya xanuun daran oo aad ka qaado COVID-19.
Aad la nooshahay qof kamid ah dadka qaba xaaladahaas
Iska ilaali meelaha aan hawada fiican lahayn, gaar ahaana marka dad badan kula joogaan.
Fur hawada meesha adoo furaaya daaqadaha ama shidaaya marwaxad ama aalada hawada sifaysa hadday macquul tahay.
Isbaar haddii aad qabto astaamaha COVID-19 ama aad la joogtay qof qaba COVID-19.
Guriga joog haddii aad dareemayso xanuun ama aad jiran tahay, oo ha qaban wax kulanno ah.
Si joogto ah u farxalo.
Safarka
Qaado talaallada COVID-19 si aad u hesho difaaca ugu fiican marka aad safrayso. Wadamada qaar ayaa qasab kaaga dhigi kara talaalka COVID-19 si aad u gasho.
Sabab la xiriirta inaad u badan tahay inaad la kulanto dad qaba COVID-19, iskuday inaad xirato maaskaro (qof kasta oo jira 2 sano ka wayn) marka aad saaran tahay gaadiidka dadwaynaha iyo marka aad joogto garoonnada diyaaradaha ama astaannada baska ama tareenka.
Si joogto ah u farxalo ama adeegso gacmo nadiifiye ay ugu yaraan 60% ay aalkolo tahay haddii aadan heli karin saabuun iyo biyo.
Isbaar 1-3 maalmood kahor intaadan safrin oo iska ilaali meelaha dadku iskugu yimaadaan kahor iyo inta lagu jiro safarkaaga.
Dhibaatooyinka xanuunka uur ku jirta ah / nidaamyada difaaca jirka oo daciifa
Taxadar dheeraad ah samee haddii aad qabto xanuun uur ku jirta ah oo khatar wayn kuu gelinaaya inaad aad ugu xanuunsato COVD-19 ama haddii aad qaadato daawooyin daciifinaaya difaaca jirka.
- Waxaa lagu talinayaa inaad siiwado inaad xirato maaskaro si fiican u qabanaysa dusha sankaaga iyo afkaaga markasta oo aad la joogto dad, xataa haddii aad qaadatay talaal buuxda aadna qaadatay kuurada xoojinta ah ee talaalka.
Waxaan filaynaa inaad hesho badqab iyo caafimaad inta lagu jiro kulannada dhammaan sanadka oo dhan. Hel talaallada iyo kuurooyinka xoojinta ah adoo wacaaya 211, booqanaaya farmashiyaha deegaankaaga ama xafiiska dhakhtarka, ama booqanaaya vaccines.gov.