Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

iska fiiri astaamaha COVID-19

MARKA AAD HESHO CAAWIMAADA CAAFIMAADKA EE DEGDEGA AH

Raadi calaamadaha digniinta xaalada degdega ah ee COVID-19. Haddii qof uu leeyahay wax astaamahaan kamid ah, u raadi daryeel caafimaad oo degdeg ah isla markaba:

  • Neefta oo kugu adkaata

  • Xanuun ama cadadis ka fuulaaya xabadka oo aan kala joogsi lahayn

  • Wareer cusub

  • Aad awoodi waydo inaad toosto ama soo jeedo

  • Bishimaha oo angaga ama wajiga oo qamiir noqda

Liiskaan ma soo koobaayo dhammaan astaamaha jiri kara. Wac 911 ama xili hore xarunta xaalada degdega ah ee deegaankaaga kadibna u sheeg qofka wicitaanka kaa qabta inaad u baahan tahay daryeel la siiyo qof qaba ama qabi kara COVID-19.

Ka waran astaamaha joogtada ah ama "COVID-19 ka Daba Dheeraaday"?

Dadka qaar oo uu ku dhacay fayraska keena COVID-19 ayaa wajihi kara astaamaha muddada fog oo sii socda ilaa afar asbuuc ama ka badan kadib marka caabuqu ka baxo. Mararka qaar loo yaqaano COVID-19, long-haul COVID, COVID dabo dheeraaday, xanuunka kadib COVID-19, ama cilada xun ee kadib COVID, xanuunadaan waxaa ku jiri kara astaamo kaladuwan.

Astaamaha ugu badan ee lasoo sheego waxaa ku jira:

  • Daal ama tabar daro caqabad ku ah nolol maalmeedka
  • Qandho
  • Neefta oo ku dhibta ama neefta oo kugu yaraatay
  • Qufac
  • Xabad xanuun
  • Wadne garaac boobsiis ah ama qayru caadi ah
  • Dhibaato dhanka fakarka ama wax diirad saarida ah (mararka qaarna loo yaqaano "caadka maskaxda")
  • Madax xanuun
  • Dhibaato dhanka hurdada ah
  • Dawakhaad marka aad istaagayso
  • Isbadel ku dhaca urka ama dhadhanka
  • Niyad jabka ama welwel
  • Calool xanuun ama shuban
  • Xanuunka murqaha ama kala goyska
  • Finan
  • Isbadellada mareegyada dhiiga caadada
  • Astaamaha oo kasii dara kadib jimicsiga jirka ama maskaxda

Astaamaha ayaa bilaaban kara kadib marka aad caabuqa ka bogsooto, kaa ba'o, soo laabo uuna socdo dhawr asbuuc, bilood ama sanado.

Haddii aad dareemayso wax kamid ah astaamaha xanuunka lagana joogo afar asbuuc ama ka badan markuu caabuqu kugu dhacay, kala hadal dhakhtarkaaga si uu kuu siiyo tilmaamo gaar ah. Haddii aadan haysan dhakhtar, wac 211 si aad u hesho caawimaada helitaanka dhakhtarka.

Yaa khatar ugu jira COVID ka mudada dheer?

  • Dadka xanuunka daran ka qaada COVID-19 gaar ahaanna dadka isbitaalka loo seexshay ama u baahday qaybta daryeelka adag.
  • Dadka qaba xanuunnada uur ku jirta kahor intuusan ku dhicin COVID-19.
  • Dadka aan qaadan talaallada COVID-19.

Sidee ayaan iskaga difaaci kartaa COVID ka Dabo dheeraada?

Qaabka ugu fiican ee aad naftaada iyo dadka kaleba uga difaacayso xanuunnada ka danbeeya COVID waa inaad qaadato talaallada iyo kuurooyinka xoojinta ah ee ugu danbeeyay.

Si aad u hesho xog dheeraad ah iyo ilaha xogta la xariirta COVID mudada dheer, booqo Xarumaha Xakamaynta iyo Ka Hortaga Cudurada (CDC).