Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Baaritaanka

Qaabka iyo meesha aan iskabaarayno

BAARITAANKA COVID-19 EE GUDAHA OREGON

Baaritaanka ayaa naga caawinaaya xaqiijinta in dadka qaba COVID-19 ay helaan daryeelka iyo taageerada ay u baahan yihiin. Baaritaanku waa farsamo muhiim u ah yareynta faafida caabuqa COVID-19 aana uga caawino dadka helitaanka daawooyinka la heli karo.

Baaritaannada COVID-19 ayaa laga heli karaa Oregon, laaikiin tirada baaritaannada la heli karo waxaa saamayn kara baaritaannada oo kooban, gaar ahaana marka ay kordhaan kiisaska COVID-19. Hel goobta baaritaanka bilaashka ah oo kuu dhow, ama wac 211.

Sida ku cad tilmaamaha Xarumaha Xakamaynta Cudurka, qof kasta oo leh astaamaha COVID-19 waa inuu qaataa talaalka sida ugu dhakhsaha badan ee macquulka ah, ayadoon laga eegayn xaalada talaalka. Qof kasta oo la joogay qof qaba caabuqa COVID-19 (u jiray wax ka yar lix fiid qof qaba COVID-19 ugu yaraan muddo dhan 15 daqiiqo) ayaa raadsan kara baaritaan ugu yaraan shan maalmood kadib markuu qofka la joogay, xataa haddii uusan lahayn wax astaamo ah.

Baaritaannada degdega ah ayaa soo saara natiijada ku dhawaad 15 daqiiqo gudahood. Haddii caabuqa COVID-19 lagaa helo, waa inaad guriga joogtaa oo ka fogaataa dadka kale, ayna ku jiraan qoyskaaga, ugu yarana shan maalmood. Haddii aad qabto wax astaamo ah, waa inaad iskeli yeesho ilaa laga gaaro 24 saac iyo marka astaamaha cudurku kaa baxaan. Natiijooyinka beenta ah ee sheegaaya inaadan cudurka qabin ayaa badanaa dhaca. In baaritaanku kaa waayo caabuqa kama dhigna inaadan qabin COVID-19. Haddii aad la joogtay qof qaba caabuqa lagaana helo caabuqa, waa inaad sii wadaa raacida talaabooyinka badqabka sida xirashada maaskarada, farxalka iyo inaad ugu yaraan lix fiid ka fogaato dadka kale si aad uga difaacdo caabuqa.

Qaadashada talaallada iyo xoojiyaasha COVID-19 ayaa wali ah qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo inaad aad ugu xanuusato COVID-19. Muhiim ayay u tahay qof kasta inuu:

  • Qaado talaalka. Qof kasta oo jira 6 bilood iyo ka wayn ayaa u qalma talaalka COVID-19.

  • Qaado kuurada xoojinta ah haddii aad gaarto waqtigeedii. Qof kasta oo jira 6 bilood iyo ka wayn ayaa u qalma kuurada xoojinta ah ee cusub ugu yaraan labo bilood kadib kuuradoodii ugu danbaysay ee xoojinta ah ee monovalent (talaalka naqshadii hore).

  • Ogoow meesha iyo goorta aad talaalka qaadan karto.

Ka waran haddii caabuqa COVID-19 lagaa helo

Haddii lagaa helay fayraska, guriga joogo kana fogoow dadka kale, ayna ku jiraan dadka aad la nooshahay.

Haddii aad jiran tahay:

  • Iskarantiil shan maalmood marka aad biloowdo inaad dareento xanuunka.

  • Daawooyinka ayaa la heli karaa. Booqo bogga daawooyinka COVID-19 si aad u hesho faahfaahin dheeri ah.

  • Kahor intaadan la kulmin dadka kale, xaqiiji in qandhadu kaa jabtay ugu yaraan 24 saac kahor adoon cunin daawo astaamaha xanuunkuna ay kaa ba'een.

Haddii aadan lahayn Nooc uun astaamaha caabuqa kamid ah:

  • iskeli yeel shan maalmood laga bilaabo maalinta lagaa helay cudurka.

Naso oo daryeel naftaada. U sheeg xaruntaada caafimaadka ama dhakhtarka haddii astaamaha xanuunkaagu kasii daraan. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawyo helitaanka dhakhtar, wac 211.

Kadib shan maalmood, waad la joogi kartaa dadka kale haddii aad caafimaad dareemayso, laakiin wali waa inaad taxadartaa si aad uga fogaato ku faafinta COVID-19 dadka kale.

  • Waa inaad markasta xirataa maaskaro shan maalmood oo dheeraad ah mar kasta ood la joogto dadka kale. Iska ilaali inaad la joogto dadka khatarta wayn ugu jira inay xanuun xun ka qaadaan COVID-19 inta lagu jiro mudadaan.

Adeegso 211 si aad u hesho caawimaad

Ma u baahan tahay cunto, dhakhtar, caawimaad ama taageero, ama ma qabtaa su'aalo ku aadan sida la isku karantiilo?

Wac 211 si aad u hesho jawaabta su'aalaha guud ee COVID-19, sida aad ku helayso baaritaan ama talaallo, ama in lagaa caawiyo ilaha kale.

Booqo webseedka Maamulka Caafimaadka ee Oregon si aad u hesho xog dheeraad ah.

Haddii caabuqa lagaa waayo

Waxa aad samaynayso haddii lagaa waayo cudurka COVID-19

Xataa haddii lagaa waayo caabuqa, qaad talaabo kasta si aad u ilaaliso badqabkaaga. Mararka qaar baaritaannada ayaa qaldanaan kara. Baaritaan ayaa waayi kara fayraska haddii lagu baaro xili hore marka caabuqu ku haleelo. Tani waxay ka dhigan tahay inaad qabi karto COVID-19 xataa haddii baaritaanku sheego inaadan qabin. Sidoo kale ha ilaawin inaad sidoo kale qabi karto fayras kale oo aadan doonayn inaad faafiso. Haddii aad jiran tahay, guriga joog haddii ay suuragal tahay. La hadal dhakhtarkaaga haddii aad khatar wayn ugu jirto xanuun daran.