Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Khadka caawimaada gobalka iyo kan deegaanka

Caafimaadka dhimirka iyo Dareenka

Haddii aad ubaahantahay taageero dhanka dhimirka iyo shucuurta, Khatka the Safe + Strong Helpline ayaa halkan u jooga inay ku caawiyaan 24/7.

  • Wac 800-923-4357

Waxa dhici kara marka aad wacdo khadka caawimaad

Haddii tani tahay markii kuugu horeysay oo aad wacayso khadka caawimaad si aad u hesho caawimaad, waxaad qabi kartaa su’aalo. Qof ayaa halkaas u jooga siduu kuu caawin lahaa kuuna dhageysan lahaa.

Maxaa dhacaaya marka aad wacdo:

  • Qofku waxa uu ku waydiin doonaa magacaaga iyo sida ay kuu caawin karaan

  • Waxay ku waydiin karaan macluumaadkaaga kale ee gaar ah si ay kuu caawiyaan, laakiin waa inaadan la wadaagin

  • Waxa aad u sheegto way kaydin doonaan

  • Waxay kuu dhageysan doonaan qaab firfircoon

  • Kuma xukmin doonaan ama kuuma sheegi doonaan waxa ay tahay inaad sameyso

  • Waxay kusiin karaan fikrado ku aadan halka aad ka heli karto caawimaad dheeraad ah ama sida aad u heli karto lataliye

Khadka caawimaada cidna lama wadaagaayo macluumaadkaaga illaa inay jiraan calaamado xadgudub ama dayacaad ama inay ka welwelaan inaad dhibaato isku geysato ama dad kale u geysato mahee. Fadlan booqo webseetka ururka si aad wax badan oga ogaato xeerarkooda asturnaanta xogta.