Maaskarooyinka iyo gafuur xidhka
Ku qoran bogaan:
Tusmadii ugu danbaysay ee maaskarooyinka iyo gafuur xidhada
Laga bilaabo Maarso 12, 2022: Maaskarooyinka, gafuur xidhada ama gaashaannada wajiga ayaan qasab ahayn inta badan goobaha ku yaala Oregon, ayna ku jiraan ganacsiyada, xarumaha diinta, dugsiyada K-12 iyo xarumaha daryeelka ilmaha.
Maaskarooyinka iyo gafuur xidhada ayaa wali qasab ka ah xarumaha daryeelka caafimaadka iyo xarumaha kale qaarkood.
Qof kasta oo jira 5 sano iyo ka wayn waa qasab inuu xidho maaskaro ama gafuur xir, halka ilmaha da'doodu u dhexayso 2 iyo 5 sano aad loogu boorinaayo inay xidhaan gafuur Xirka, markay joogaan goobaha soo socda:
Isbitaalada
Xafiisyada dhakhtarka
Daaqadaha farmashiyaha iyo aaggaga sugitaanka
Xafiisyada dhakhtarka ilkaha
Xarunta Daryeelka degdega ah
Xarumaha daryeelka mudada dheer iyo xarumaha caawimaada ee la dagan yahay
Barnaamijyada caafimaadka dhimirka ee la dagan yahay
Xarumaha talo bixinta, soo kabashada iyo dhaqan celinta
Xarumaha sifaynta kalyaha
Xarumaha caafimaadka ee dugsiga ku yaala
Xafiis kasta oo daryeel caafimaad lagu baxsho
Waxaa intaas dheer, xarumaha dadka waawayn ama xarumaha dadka madaxa banaan ayaa wali qasab ka dhigi kara maaskarada, gafuur xidhka ama gaashaanka Wajiga, iyo kala fogaanshaha dadka. Adeeg bixiyaasha daryeelka guriga lagu baxsho, adeegyada caafimaadka ee guriga lagu baxsho ama adeegyada dadka dhimanaaya ayaa qasab ah inay xidhaan gafuur Xirka ama maaskaro markay daryeelka bixinayaan.
Qaar kamid ah ganacsiyada, ururada, dugsiyada, magaalooyinka iyo degmooyinka ayaa sidoo kale sii wadi kara inay qasab ka dhigaan maaskarada. Maaskarooyinka ayaa wali qasab ka ah basaska dadwaynaha, tareennada, diyaaradaha iyo garoonnada. Hase yeeshee, sharciyada federaalka ayaa hadda dhacaaya Maayo 3, 2022, shuruudaha maaskarada ee gaadiidka dadwaynaha ayaana isbadali kara.
Qofkee ayay tahay inuu sii wado xiddhashada gafuur xirka?
Inkastoo aan maaskarooyinku hadda kadib qasab ku noqon doonin goobaha dadwaynaha ee Oregon oo dhan, wali waxay muhiim u yihiin kahortaga faafida COVID-19. Dad badan oo ku dhaqan Oregon ayaa dooran doona inay sii wadaan xirashada maaskarada.
Waxaa lagu talinayaa inaad sii wado xirashada maaskarada aadna 6 fiid ka fogaato dadka kale haddii:
Aadan talaalka qaadan
Aad ka wayn tahay 65 sano
Nidaamkaaga difaaca jirku liito
Aad qabto cudur uur ku jirta ah kaasoo khatar wayn kuu gelinaaya inaad aad ugu xanuunsato COVID-19
Aad la nooshahay qof kamid ah dadka qaba xaaladahaas
Waxaan taageeraynaa xaqa qof kasta u leedahay inuu doorto xirashada maaskarada.
Waxaad ka helaysaa sawirada faafinta baraha bulshada, boorarka ganacsiyada iyo ilaha kale ee isgaarsiinta Maamulka Caafimaadka ee Oregon.
Khayraadka ganacsiga
Loo shaqeeyaasha ayaa taageero u muujin kara shaqaalahooda iyo macaamiishooda doorta inay xidhaan maaskaro si ay uga difaacaan naftooda iyo bulshadoodaba caabuqa COVID-19 ayagoo adeegsanaaya hal ku dhiga #MaaskaradaWaaLaOgolyahay, sawirka bulshada ama dadka kale la wadaagaaya hal ku dhiga.
Khayraadka shaqsiyaadka
Dadka doonaaya inay xidhaan maaskaro si ay u difaacaan naftooda iyo bulshooyinkooda ayaa soo degsan kara iyo/ama sii faafin kara hal ku dhiga #MaaskaradayduWaaCaafimaadkayga ama adeegsan kara hal ku dhiga si ay u muujiyaan taageeradooda.