Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Hel jawaabaha Talaalka

Hel jawaabaha Talaalka

Haddii aad su'aalo ka qabto talaalka, waa muhiim inaad hesho jawaabta su'aalahaas. Waxaad heli kartaa jawaabo la xariira badqabka, sida talaalku u shaqeeyo, iyo goorta iyo meesha aad talaalka ka helayso.

Talaalka COVID-19
Waalidiinta iyo qoysaska

Badqabka iyo waxtarka

Talaallada COVID-19 ma yihiin kuwo badqab leh?

Haa. Talaallada COVID-19 ee lagu baxsho Oregon waa kuwo badqab leh. Talaallada ayaa lagu tijaabshay kumanaan qof oo kala jooga daafaha caalamka. Dadka madoowga ah, Asaliyiinta, Laatiinka, Eeshiyaan Maraykan, dadka u dhashay jasiirada baasifiga iyo dadka aan cadaanka ahayn ayaa doortay inay qayb ka noqdaan tijaabooyinkaan si loo hubiyo in talaalladu badqab u yihiin bulshooyinkooda. Baaritaanadaan ayaa muujiyay in dhammaan talaalladu badqab leeyihiin, ayna ka shaqeeyaan inay dadka ka difaacaan inay aad ugu jiradaan caabuqa COVID-19.

Sidee ayay talaalladu u shaqeeyaan?

Si lamid ah dhammaan talaallada kale, talaalka COVID-19 wuxuu barayaa jirkaaga la dagaalanka fayraska iyo inuu kaa difaaco inaad xanuun xun ka qaado caabuqa. Talaalka oo cirbad ahaan ah ayaa qofka looga duraa qaybta sare ee gacanta. Qaar kamid ah noocyada talaalka, waxaad u baahan doontaa wax ka badan hal cirbad. Cirbadaada labaad ayaa lagu siin doonaa 3 ama 4 asbuuc kadib cirbada koobaad. Haddii aad qaadato talaalka noocaan ah, waa muhiim inaad hesho labada kuuraba si talaalku u shaqeeyo.

Ma kaqaadi karaa COVID-19 talaalka?

Maya, kama qaadi kartid COVID-19 talaalka.

Waa maxay farqiga u dhexeeya talaallada COVID-19 ee la heli karo?

Shirkado kaladuwan ayaa soo saaray talaallo badqab leh oo ay aqoonsan tahay FDA. Dhammaan talaallada ayaa la tijaabshay laguna sii wadi doonaa in la tijaabsho badqabkooda, dhammaantoodna waxaa loo ogolaaday inay waxtar badan u leeyihiin kahortaga xanuun daran iyo isbitaal dhigista dadka fayrasku heleelo.

Midkoodna talaallada kama koobna fayraska nool ee COVID-19, marka kama qaadi kartid COVID-19 talaallada.

Xog dheeri ah oo ku saabsan talaallada kaladuwan ayaa laga heli karaa webseedka CDC kuna qoran Ingiriis, Kuuriyaan, Fyeednaamiis iyo Jayniiska Fudud.

Xog badan ka hel Maamulka Caafimaadka ee Oregon

Qofkee u qalma talaalkee ayuuna u qalmaa?

Qofkee u qalma talaalkee?

6 bilood iyo kawayn:

● Pfizer

● Moderna

12 sano iyo kasii wayn jira:

● Pfizer

● Moderna

● Novavax (waxaa sidoo kale xoojin ahaan loo siin karaa da'aha 18+)

Talaalladii hore (monovalent) ee COVID-19 ee Pfizer iyo Moderna waa la joojiyay hadda kadibna lama heli doono. Tan waxaa sabab u ah in talaaladaas hore loo diyaarshay faracii hore ee cudurka COVID-19. Talaallada cusub ee (bivalent) iyo xoojiyaasha Pfizer iyo Moderna ee hadda la heli karo ayaa la filayaa inay kaa difaacaan cudurka ka dhasha faracyada dhawaan soo baxay ee caabuqa COVID-19.

Dadka aan qaadan karin ama qaadan doonin talaalka ama kuurada xoojinta ah ee mRNA ee COVID-19, badelka noocii monovalent ayaaa lagu heli karaa talaalka Novavax ee COVID-19.

Uur ayaan leeyahay ama uur ayaan qaadi karaa. Miyaan heli karaa talaalka COVID-19?

Haa, talaallada COVID-19 waa kuwo badqab leh, xataa haddii aad uur leedahay, naas nuujinayso, aad doonayso inaad uur yeelato, ama aad uur qaadi karto mustaqbalka. Ma jirto cadayn sheegaysa in talaallada COVID-19 ay sababaan cilado ku dhaca haweenka uurka leh ama awooda uur qaadista. La tasho dhakhtarkaaga haddii aad wax su'aalo ah ka qabto talaalka COVID-19 iyo uurka.

Haddii aad uur leedahay, aad dhawaan umushay ama laga yaabo inaad uur yeelato mustaqbalka, talaallada COVID-19 ayaa kaa caawinaaya kahortaga xanuun daran, dhimashada iyo dhibaatooyinka inta aad uurka leedahay.

Ma la iga doonayaa qarashka talaalka?

Haddii aad haysato caymis caafimaad oo aad ka hesho dawlada ama shirkad aad u shaqayso, qiimaha talaalka ayaa ahaan doona mid yar, haddiiba uu jiro. Haddii aadan haysan caymis caafimaad, waxaa laga yaabaa in lacag kaaga baxdo talaalka. Wac 211 si ay kaaga caawiyaan helitaanka rug caafimaad ama dhakhtar deegaankaaga ah.

Qasab miyaa inaan noqdo muwaadin Maraykan ah si aan u helo talaalka?

Qof kasta ayaa qaadan kara talaalka COVID-19, ayadoon laga eegayn aqoonsiga uu haysto. Waxaa lagaa codsan karaa xogtaada sida magacaaga lambarka taleefanka marka lagu talaalaayo, laakiin xogtaas waa mid sir ah cid kalana looma sheegi doono. Waa muhiim in qof kasta oo ku nool Oregon uu qaato talaalka.

Waxa aad filan karto

Ma jiraan wax dhibaatooyin ah oo ka dhalan kara talaalka?

Kadib marka lagu talaalo, waxaad ciladaha qaar ka qaadi kartaa talaalka, sida qandho, xanuunka gacanta ama daal. Xanuunkaan waa wax caadi ah wuxuuna muujinayaan in talaalku uu shaqaynaayo uuna adkaynaayo difaaca jidhkaaga si uu ula dagaalamo fayraska. Dhibaatooyinka talaalka ka dhasha ayaa kaa ba'aaya maalmo yar gudahood. Saar meesha maro qaboow, cab biyo badan oo qaado nasiino badan. Daawooyinka xanuun bi'iyaasha ah sida Advil iyo Tylenol ayaa sidoo kale ku caawin kara.

Ciladaha talaalka iyo waxa aad samaynayso:

  • Xanuunka gacanta: Saar meesha baraf

  • Daad: Naso markaad u baahato

  • Madax xanuun, qandho, qarqaryo: Naso, qaado qandho jabin. Haddii qandhadu gaarto 102° ama ka badan, wac dhakhtarka.

  • Murqo xanuun, dikaan: Qaado qandho jabin. Saar wax kulul ama baraf.

  • Neefta oo kugu adkaata: Wac 911

Waa maxay “difaac saf mar ah?”

Waxaa laga yaabaa inaad dadka ka maqasho "difaaca bulshada" ama "difaac safmar ah," Markaad qaadato talaalka COVID-19, jidhkaaga ayaa baranaaya la dagaalanka fayraska. Tan waxaa loogu yeeraa "difaaca jidhka." Difaaca jidhka bulshadu wuxuu yimaadaa marka dad ku filan la talaallo si loo joojiyo faafida fayraska, ayadoo la difaacaayo bulshada oo dhan. Ilaa taas laga helaayo, wali waxaa ugu badqab badan inaan raacno tilmaamaha maaskarada marka la amro ama lagu talinaayo yaree dadka isku imaanaaya xataa kadib marka aad talaalka qaadato, si aad u difaacdo bulshada oo dhan.

Waa maxay faracyada fayrasku?

Muddo kadib, dhammaan fayrasyada ayaa is dhal-dhala kadibna isbadala, ayagoo mararka qaar dhala noocyo awood badan, kana khatar badan kuwii hore. Mararka qaar waxaa yaraata khatartooda, laakiin wali way kasii faafid badan yihiin kuwii hore. Si kasta oo noocyada cusub ee talaalku u ekaadaan, waxaa loogu yeeraa "faracyada" fayraska. Delta iyo Omicron ayaa ah tusaaleyaasha faracyada COVID-19 ee ku faafay caalamka.

Saynisyahannada ayaa markasta raadinaaya faracyada cusub ee caabuqa COVID-19. Waxay adeegsadaan nidaam loo yaqaano taxaneyaasha hide sideyaasha si ay u aqoonsadaan faracyada, ayagoo ka ogaanaaya sanballada qof laga helay COVID-19 ama sanballada biyaha bulaacada ah oo lagasoo qaaday warshadaha sifeeya biyaha wasaqda ah oo ku yaala daafaha Oregon. Lo socoshada xaalada biyaha wasaqda ah ayaa si gaar ah waxtar ugu leh aqoonsiga faracyada waayo kuma xirna dad yeesha astaamaha xanuunka ama laga helay caabuqa COVID-19. Waxay keliya ku xiran tahay unugyada biyaha wasaqda ah, waxaana ognahay in unugyada fayraska COVID-19 ay ku dhex nool yihiin saxaradeena iyo kaadideena. La socoshada biyaha wasaqda ah ayaa sidoo kale wax nooga sheegaysa meesha faracyadu ay ku faafayaan gudaha gobalka.

Markaan faracyada qaababkaan ku raadino, khubarada caafimaadka dadwaynaha ayaa fahmi kara kadibna bixin kara xogta soo socota ee farac kasta oo fayraska kamid ah:

  • Heerka faafitaanka

  • Darnaanta xanuunka COVID-19 waxaa keeni kara

  • Waxtarka talaalka iyo kuurada xoojinta ah

  • Waxtarka daawooyinka COVID-19

Si aad u hesho xog ku saabsan faracyada COVID-19 ee ku faafay Oregon, booqo bogga faracyada COVID-19 ee Maamulka Caafimaadka ee Oregon, oo asbuuc kasta xog lagusoo daabaco. Si aad xog uga hesho faracyada fayraska ee wadanka oo dhan ka jira, booqo webseedka Xarunta Xakameynta iyo Ka hortaga Cudurada kaasoo ay ku jirto aalada sida joogtada ah loo cusbooneysiiyo ee raadiyaha xogta faracyada fayraska.

Talaallada iyo kuurooyinka xoojinta ah ayaa wali ah difaaca ugu fiican ee aan uga hortagi karno caabuqa COVID-19, faafitaankiisa iyo xanuunka daran. Talaabooyin kahor oo dheeraad ah sida xirashada maaskarada markaad la joogto dadka kale iyo ka fogaanshaha dadka kale ayaa haboonaan kara meelaha qaar.