Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Kulannada badqabka leh

Samee qorshe aad ku yaraynayso khatartaada qaadista COVID-19.

Waxyaabaha qaar ayaa ka khatar badan kuwa kale. Halkaan waxaad ka helaysaa tilmaamaha iyo heerarka khatarta si ay kaaga caawiyaan adigga iyo ehelkaaga inaan qorshaysaan aadna ka badbaadaan COVID-19.

Tilmaamaha

Tilmaamaha:

  1. Qaado talaalka ama kuurada xoojinta ah. Talaalka ayaa ah difaaceena ugu fiican ee aan dadka uga ilaalin karno inay aad ugu xanuunsadaan dhammaan faracyada COVID-19.

  2. IIskuday inaad xirato maaskaro aadna ka fogaato 6 fiid dadka kale marka aad joogto meelaha saxmada leh ama kulannada, gaar ahaanna haddii aadan qabin talaalka, aad qabto xanuunka uur ku jirta kaasoo khatar kuu gelinaaya xanuun daran ama aad la nooshahay qof qaba sifooyinkaan caafimaadka (halkaan ka akhri tusmada caafimaadka).

  3. Kor u qaad hawada soo galaysa gurigaaga ama xafiiska. Fayraska sababa COVID-19 ayaa raaci kara hawada. Furista daawadaha (haddii heerkulku saamaxaayo) ayaa kor u qaadaysa hawada waxeyna yareysaa cadadka fayraska keena COVID-19 ee hawada ku jira. Waxaad sidoo kale shidan kartaa maxwaxad ama hawo sifeeye haddii aad haysato. Si aad u hesho tilmaamo dheeraad ah oo ku aadan haawinta gurigaaga ama xafiiska, booqo CDC.

  4. Si joogto ah u farxalo, ugu yaraan 20 sikin, ama adeegso gacmo sifeeye ay ku jirto ugu yaraan 60% aalkolo ah.

  5. Daawada jeermiska mari dusha meelaha markasta -- qataarada albaabka, albaabada gaariga, isteerinka gaariga iyo taleefannada.

  6. Baro astaamaha COVID-19 iyo lambarka taleefanka xirfadlaha daryeelka caafimaadka ama shaqaalaha caafimaadka bulshada ee aad wici karto haddii qof jirado. Haddii aadan haysanDhakhtarka caafimaadka, wac 211.

  7. Samayso qorshe si haddii qof uu guriga ku jirado, loo keli-yeelo qof sida ugu badan ee macquulka ah ilaa uu ka bogsoodo.

Heerarka khatarta

Ilaa inta qof kasta laga talaalaayo, waxaa jira wali talaabooyin aan dhammaanteen qaadi karno si aan uga difaacno bulshooyinkeena inay xanuun xun ka qaadaan COVID-19. Waxyaabaha soo socda waa heerarka khatarta noocyada kaladuwan ee hawlaha si ay kaaga caawiyaan inaad badbaado.

KHATAR HOOSAYSA:

  • Joogista guriga

  • Waqti ku qaadashada banaanka keligaa

  • Waqti la qaadashada dadka aad la nooshahay

  • La joogista dadka aan kula noolayn laakiin sidoo kale la talaalay

  • Waqti kula qaadashada banaanka dadka kale iyo ka fogaanshaha 6 fiid dadka kale

KHATAR DHEXDHEXAAD AH

  • Waqti ku qaadashada gudaha xarumaha bulshada adoo talaal qaba, xiran maaskaro kana fogaanaaya dadka 6 fiid

KHATARTA BADAN

  • Inaadan qaadan talaalka

  • Waqti la qaadashada dadka badan iyo kulannada adoon xiran maaskaro

  • Waqti kula qaadashada gudaha ama bananaka adoo uga dhow 6 fiid dadka aan sidoo kale wali la talaalin

Maaskarooyinka iyo gafuur xirka

Laga bilaabo Abriil 3, 2023: Maaskarooyinka, gafuur xidhada ama gaashaannada wajiga ayaan qasab ka ahayn gobalka Oregon, ayna ku jiraan dhammaan xarumaha caafimaadka, ganacsiyada, xarumaha diinta, dugsiyada K-12 iyo xarumaha daryeelka ilmaha. Qaar kamid ah xarumaha daryeelka caafimaadka ayaa dooran kara inay sii wadaan maaskarada lagu galo xaruntooda kadib marka shardigaan la laalo.

Maaskarooyinka iyo gafuur xidhada ayaa wali ah qaab waxtar leh oo lagu yareeyo faafitaanka fayraska neef mareenka. Wali waxaa lagu talinayaa inay xidhaan qof kasta oo xanuunsan, khatar ugu jira xanuun xun inuu ka qaado caabuqa fayraska neef mareenka, ama la nool qof khatar wayn ugu jira xanuunkaas. Qof kasta oo doorta inuu xidho maaskaro waa uu xiran karaa.

Qofkee ayay tahay inuu sii wado xiddhashada gafuur xirka?

Inkastoo maaskarooyinka aysan hadda kadib qasab ka ahayn dhammaan Oregon, wali waa qaab wanaagsan oo looga hortago faafida COVID-19. Dad badan oo ku dhaqan Oregon ayaa sii wadi doona xirashada maaskarada.

Waxaa lagu talinayaa inaad sii wado xirashada maaskarada aad:

  • Hadda jiran tahay
  • Aadan talaal qabin
  • Aad ka wayn tahay da'da 65
  • Nidaamkaaga difaaca jirku liito
  • Aad qabto xanuun uur ku jirta ah kaasoo khatar dheeri ah kuu gelinaaya xanuun daran oo aad ka qaado COVID-19.
  • Aad la nooshahay qof kamid ah dadka qaba xaaladahaas

Waxaan taageeraynaa xaqa qof kasta u leedahay inuu doorto xirashada maaskarada.

Waxaad ka helaysaa sawirada faafinta baraha bulshada, boorarka ganacsiyada iyo ilaha kale ee isgaarsiinta Maamulka Caafimaadka ee Oregon.

Kala hadlida saaxiibada iyo ehelada xirashada maaskarada: Soo degso ishaan xogta ee hoose si aad uga hesho tilmaamo ku aadan kala hadlida dadka aad ka naxayso marka aad isleedahay waxaa ugu badqab badan in la xidho maaskarada.

Maxaan samayn karaa haddii qof igu dhibaateeyo sii wadista xirashada maaskarada?

Dhibaataynta, eexda, adeeg ka saarida ama ficilada kale ee dhibaatada u leh dadka xiranaaya gafuur xirka, hadday qasab tahay iyo haddii kalaba, ayaa kasoo horjeedi kara sharciga Oregon.

Haddii aad aaminsan tahay inaad waajahayso nacayb ama danbi eex ah ama dhacdo sabab la xariirta inaad xiratay maaskaro, gafuur xir ama gaashaanka Wajiga, ama inaadan xiran maaskaro, gafuur xir ama gaashanaka wajiga adoo jooga goob dadwayne, waxaa jira khayraad ku caawinaaya.

  • Si aad u soo sheegto danbiga eexda, wac laynka xaaladaha aan degdega ahayn ee booliiska deegaankaaga.
  • Waxaad soo sheegi kartaa fal gardaro ah, adoo wacaaya Waaxda Cadaalada ee Oregon ood ka helayso 844-924-BIAS (2427).
  • Si aad u soo gudbiso cabasho la xiriirta xuquuqda madaniga ah, booqo Laanta Shaqada iyo Shaqaalaha (BOLI) ama wac 971-673-0764.
  • Wixii xog dheeraad ah, booqo StandAgainstHate.Oregon.gov.

Haddii aad maqalka naafo ka tahay, wac 711 si aad u hesho adeegga Oregon Relay.

La kulmida saaxiibada iyo qoyska

Kulanno badan ayaa ah waqtiga dadku isbartaan ayna dabaaldegaan. Ayadoo hadda talaalka iyo kuurooyinka xoojinta ah la heli karo, khatarta caabuqa ayaa sidii hore ka yar qof kasta. Haddii adiga iyo dadka aad kulanka iskugu timaadaan aad qabtaan talaallada iyo xoojinnada buuxa ee COVID-19, khatartaada ah inaad xanuun xun ka qaado caabuqa waa mid yar. Halkaan waxaad ka helaysaa qaar kamid ah qaababka aad ku ilaalinayso badqabkaaga inta lagu jiro kulannada dadwayne xaalad kasta oo lagu jiraba.

  • Qaado talaalka oo qaado kuurooyinka xoojinta ah marka aad u qalanto si aad naftaada iyo dadka kula jooga u difaacdo.

  • Waa caadi inaad inaad dadka kale waydiiso inay qaateen talaalka kahor intiinaan isku imaan dadka aadan la noolayn. Waxaad dooran kartaa inaad guriga joogto ama aad raadiso qaabab kale ood kula xariirto dadka haddii aad murugooto.

  • Maaskarooyinku hadda qasab kama ahan inta badan goobaha dadwaynaha, laakiin wali waa qaab waxtar u leh yareynta faafida COVID-19. Waxaa lagu talinayaa inaad sii wado xirashada maaskarada marka aad dad kulmaysaan haddii aad:
    • Ka wayn tahay 65

    • Nidaamkaaga difaaca jirku liito

    • Aad qabto xanuun uur ku jirta ah kaasoo khatar dheeri ah kuu gelinaaya xanuun daran oo aad ka qaado COVID-19.

    • Aad la nooshahay qof kamid ah dadka qaba xaaladahaas

  • Iska ilaali meelaha aan hawada fiican lahayn, gaar ahaana marka dad badan kula joogaan.

  • Fur hawada meesha adoo furaaya daaqadaha ama shidaaya marwaxad ama aalada hawada sifaysa hadday macquul tahay.

  • Isbaar haddii aad qabto astaamaha COVID-19 ama aad la joogtay qof qaba COVID-19.

  • Guriga joog haddii aad dareemayso xanuun ama aad jiran tahay, oo ha qaban wax kulanno ah.

  • Si joogto ah u farxalo.

Safarka

  • Qaado talaallada COVID-19 si aad u hesho difaaca ugu fiican marka aad safrayso. Wadamada qaar ayaa qasab kaaga dhigi kara talaalka COVID-19 si aad u gasho.

  • Sabab la xiriirta inaad u badan tahay inaad la kulanto dad qaba COVID-19, iskuday inaad xirato maaskaro (qof kasta oo jira 2 sano ka wayn) marka aad saaran tahay gaadiidka dadwaynaha iyo marka aad joogto garoonnada diyaaradaha ama astaannada baska ama tareenka.

  • Si joogto ah u farxalo ama adeegso gacmo nadiifiye ay ugu yaraan 60% ay aalkolo tahay haddii aadan heli karin saabuun iyo biyo.

  • Isbaar 1-3 maalmood kahor intaadan safrin oo iska ilaali meelaha dadku iskugu yimaadaan kahor iyo inta lagu jiro safarkaaga.

Dhibaatooyinka xanuunka uur ku jirta ah / nidaamyada difaaca jirka oo daciifa

Taxadar dheeraad ah samee haddii aad qabto xanuun uur ku jirta ah oo khatar wayn kuu gelinaaya inaad aad ugu xanuunsato COVD-19 ama haddii aad qaadato daawooyin daciifinaaya difaaca jirka.

  • Waxaa lagu talinayaa inaad siiwado inaad xirato maaskaro si fiican u qabanaysa dusha sankaaga iyo afkaaga markasta oo aad la joogto dad, xataa haddii aad qaadatay talaal buuxda aadna qaadatay kuurada xoojinta ah ee talaalka.

Waxaan filaynaa inaad hesho badqab iyo caafimaad inta lagu jiro kulannada dhammaan sanadka oo dhan. Hel talaallada iyo kuurooyinka xoojinta ah adoo wacaaya 211, booqanaaya farmashiyaha deegaankaaga ama xafiiska dhakhtarka, ama booqanaaya vaccines.gov.