Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Daryeelka caafimaadka

Daryeelka caafimaadka ee lagu baxsho taleefanka/muuqaalka

Caafimaadka khadka, mararka qaarna loo yaqaano caafimaadka taleefanka lagu baxsho, waa qaab aad kula hadlayso dhakhtarkaaga ama la taliyaha adoo adeegsanaaya muuqaal, taleefan, fariin qoraal, ama iimeel.

Dhakhaatiirta iyo adeeg bixiyaasha caafimaadka dhimirka ayaa adeegsan kara adeegyada turjumaanka si aad ugu hesho adeegga caafimaadka khadka luuqada aad ku hadasho. Dhammaan dhakhtarada ka diiwaan gashan Qorshaha Caymiska Caafimaadka ee Oregon waa inay baxshaan turjumaan bilaash ah. Inta badan dhakhaatiirta ayaa sidoo kale baxsha turjumaanka Luuqada Naafada ee Maraykanka (ASL).

Wac ama iimeel u dir dhakhtarkaaga si aad u ogaato noocyada adeegyada aad ka helayso khadka taleefanka iyo haddii aad u baahan doonto wax tignooloojiyad gaar ah si aad u adeegsato.

Haddii aad raadinayso daawooyinka COVID-19, dookha caafimaadka khadka ayaa hadda la heli karaa laga bilaabo 8am–8pm, 7 maalmood asbuucii.

  • Waxaa heli kara qof kasta oo jooga Oregon, caymis looma baahna.

  • Waxaa diyaar ah turjumaannada 17 luuqadood oo ku caawin kara:
    • Amxaari

    • Carabi

    • Jayniis (Mandarin & Cantonese)

    • Ingiriis

    • Faransiis

    • Haitian

    • Hmong

    • Korean

    • Kreole

    • Marshallese

    • Portuguese

    • Russian

    • Soomaali

    • Isbaanish

    • Tagalog

    • Vietnamese

Waxaad bilaabi kartaa booqashadaada bilaashka ah:

  • Oonlaynka (booqo color.com/covid-19-treatment-or si aad u furato ciwaan aadna u biloowdo)

  • Ama wac (833) 273-6330 inta u dhexaysa 8am–8pm PT, 7 maalmood asbuucii.

Marka la go'aansho u qalmida daawada, waxaa lagu gelin doonaa laynka sugitaanka si aad ula hadasho dhakhtar xiga. (Waqtiyada sugitaanka ayaa u dhexeeya 5-30 daqiiqo.)

  • Haddii laguu qoro daawada fayraska disha, waa laguu keeni karaa 24-48 saac gudahood ama waxaad laguugu diyaarin karaa farmashiyaha deegaankaaga si aad ugasoo qaadato.

  • Wixii su'aalo ah ama taageero dheeri ah, waxaad la xariiri kartaa treatments@color.com ama wac (844) 352-6567 inta u dhexaysa 6am–8pm PT, 7 maalmood asbuucii.

Dadka aan adeegsan karin adeegga ama u baahan caawimaad dheeri ah in la siiyo ama caawimaadaha helitaanka, waxaa jira dookh kale. Waxaad ka helaysaa xarumaha caafimaadka ee fderaalku aqoonsan yahay ee ka qaybgalaaya barnaamijka (FQHCs) barta Test to Treat. Raadi xarumaha ay ku qoran tahay “HRSA supported health center (Rug caafimaad oo HRSA taageerta)” ama akhri warlaliska Bilaha ah ee OHA ee Daawooyinka COVID-19, oo aad ka helayso bogga Daawooyinka COVID-19 ee OHA si aad u hesho liis.

Aadista dhakhtarka

COVID-19 ayaa badelay sida aan ku heli karno daryeel caafimaad. Halkaan ayaad ka helaysaa qaar kamid ah tilmaamaha haddii aad doonayso inaad daryeel mudaysato:

  1. Marka hore wac si aad u hubiso adeegyada la heli karo.

  2. Si aad u ilaaliso caafimaadka qof kasta, sii wad inaad xirato maaskaro marka aad joogto dhammaan goobaha caafimaadka.

  3. Iskuday inaad taleefanka ama wada sheekaysi muuqaal ah la samayso dhakhtarka halkii aad xafiiska tagi lahayd — booqashada waxaa loogu yeeraa caafimaadka khadka waxaana daboola caymiska OHP iyo qaar badan oo kamid ah caymisyada caafimaadka.

Cirbada talaalka hargabka

HA SUGIN SI AAD U QAADATO TALAALKAAGA HARGABKA

Qof kasta oo jira 6 bilood iyo ka wayn waa inuu qaato talaalka hargabka — gaar ahaana inta lagu jiro aafada COVID-19. Talaalka hargabka ayaa run ahaantii muhiim u ah dadka qaba xanuunnada, waayeelka, haweenka uurka leh, shaqaalaha caafimaadka iyo carruurta.

Talaalka hargabka ayaa qaadan kara ilaa labo asbuuc si uu waxtar u yeesho, marka inaad qaadato xili hore ayaa kaa caawinaysa inaad ku noolaato caafimaad. Laakiin talaalka hargabka ayaa lagu talinayaa dhammaan inta lagu jiro xili hargabaeedka, kaasoo caadiyan socda ilaa Maarso gobalka Oregon.

OGOOW MEESHA AAD KA HELAYSO TALAALKA HARGABKA
Waxaad talaalka hargabka oo kuu dhow ka helaysaa barta vaccines.gov.

Xog badan oo ku saabsan talaalka hargabka ka ogoow Maamulka Caafimaadka ee Oregon ama wac 211.