Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Waalidiinta iyo qoysaska

Jawaabaha talaalka COVID-19

Carruurta jira 6 bilood iyo ka wayn ayaa hadda u qalma inay qaataan talaalka COVID-19.

Haddii aad tahay waalid ama daryeele ilmo, waa wax caadi ah inaad su'aalo ka qabto talaalka cunugaaga. Waa muhiim inaad hesho jawaabta su'aalahaaga aadna la hadasho dhakhtarkaaga marka aad samaynayso dookha siinta talaalka COVID-19 cunugaaga.

Soo daji

Ma tahay inaan cunugayga talaallo?

Carruurta ayaa aad ugu jiran kara COVID-19, talaalka ayaana ah qaabka ugu fiican ee looga difaaci karo. Faracyada cusub ee COVID ayaa aad u faafaaya, aadna ugu khatar badan da'yarta ku dhaqan Oregon na waxaa isbitaalka loo dhigaa COVID-19 dartiis. Nasiib wanaag, talaalladu waxay bixiyaan difaac waxtar leh oo ka hortagaaya in aad loogu xanuunsado ama isbitaalka qofka loo dhigo COVID-19 awgiis, ama inuu ku faafiyo dad kale.

Waa maxay dhibaatooyinka ugu badan ee ka dhalan kara talaalka?

Dhibaatooyinka ugu badan ee ka dhasha talaalka waa calaamado caadi ah oo muujinaaya in jirka cunugaagu dhisaayo difaac ka dhan ah fayraska. Dhibaatooyinka talaalka ka dhasha ayaa kaa ba'aaya maalmo yar gudahood.

Saarida meesha maro qaboow, cabida biyo badan iyo qaadashada nasiino badan ayaa ku caawin kara. Daawooyinka xanuun bi'iyaasha ah sida Advil ama Tylenol ayaa sidoo kale xanuunka kaa jebin kara.